Shabaab oo sheegatay dilka xildhibaan Galabta lagu dilay magaalada Muqdisho kadib Qaraxii…

Qarax gaarigiisa loogu xiray ayaa waxa uu ka dhacay Maanta Casirkii Meel udhaw Beerta Nabada Ee Degmada Xamar Weyne ku taalla oo Xildhibaan lagu dilay.

Marxuumka la khaarajiyey ayaa lagu magacaabi Jiray C/weli Maxamed Ibraahim,waxa uu katirsanaa Baarlamaanka Maamulka HirShabelle.

Gaari nuuca raaxada uu watay ayaana la sheegay in miino loogu xiray laguna qaraxiyey,kaas oo durbadiiba meesha ku quur baxay.

Al Shabaab ayaa Maqribnimadii Caawa waxay sheegteen inay iyagu ka dambeeyeen Dilkaasi.

Idaacada Afka Al Shabaab ku taalla ayaa baahisey War kusaabsan Qaraxaasi ka dhacay galabta muqdisho kuna faaneen inay Xildhibaan C/weli Ibraahim ku dileen.

Waxay sheegeen inay ku raad joogeen Xog badana ka hayeen Dhaq dhaqaaqiisa Magaalada Muqdisho ugudambeyna ay ku guuleysteen inay Dilaan sida ay warka udhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here