Ciidamadii Ugu Badnaa Ee Ku Duulaan Qaaday Shabaab,Qorshaha La Dejiyey & Xaalka Oo Is Badelay

Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa waxay Howlgal gaar ah kawadaan Deegaano katirsan Gobolka Shabellaha Hoose,kuwaas oo Amniga lagu Xaqiijinayo.

Ciidanka ayaa isku dhiririyey Deegaanada Magaalada Marka Cadeey Ku teedsan,maadaama la sheegay inay kusoo laab laabteen halkaasi weeraro Al Shabaab soo qaadeen.

Saraakiil katirsan Meliteriga Soomaaliya Ee Kusugan Aagga Jilib Marka waxay sheegeen inay ka sifeenayaan Deegaanadaasi Kooxaha Argagaxisada ee kusoo dhuumaaleysanaya sida ay warka udhigeen.

Al Shabaab ayaa waxay weeraro Qorsheysan ku qaadayeen maalmihii dambe Ciidamada Dawlada Fadhiisimaha ay ku lahaayeen Marka iyo deegaanada ku dhaw.

Ciidanka Degmada Marka qabtay Bilo ka hor waxaa la sheegay inay isku dhiririnayaan Deegaanada ku dhaw Magaaladaasi oo Hore Xarakada AL Shabaab ujoogeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here