DHAGEYSO: Khilaaf soo kala dhex galay xildhibaanada Jubbaland iyo gudoonkooda

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in khilaaf hor leh uu soo kala dhex galay xildhibaanada maamulkaasi iyo gudoonkooda.

Khilaafkaani ayaa ka dhashay hindise sharciyeedka dhisida guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee maamulka Jubbaland oo maalinimadii shalay la hor geeyay, waxaana kasoo horjeestay xubno kamid ah xildhibaanada maamulkaasi.

Xildhibaan Maxamed Nuur Buulle oo maid ah xildhibaanada Maamulka Jubbaland ayaa  ugu warbixiyay sababta xildhibaanada qaar ee maamulkaasi ay kaga soo horjeesteyn hindise sharciyeedkaasi.

Khilaafkaani ayaa waxa uu noqon karaa mid sababa hubaanti la’aan ku saabsan doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland mar hadii gudoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada uu soo kala dhex galay mad madoow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here