DHAGEYSO; Xubin Ka Mid Ah Gudigii Uu Magacaabay C/xakiin Cameey Oo Is Casilay & Fariin Cajiib Ah Uu Reebay

Xilli uu jiro Khilaaf ka dhex taagan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo Kuxigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa waxa hadana jira gudiyadii la magacaabay inay buuq kale abuureen.

Mid ka mid ah Xubnihii uu soo magacaabay Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Cameey Habeen hore oo lagu magacaabo Axmed Aadan Carab ayaa maanta iska casilay Xubinimadii loo magacaabay.

Waxa Uu Aadan Carab saxaafada kula hadlay magaalada Garowe isagoo sheegay inuusan dooneyn khilaafka ka dhex jira Madaxda Puntland uu saameyn ku yeesho sidaa awgeedna uu isku casilay.

Sikastaba waxaa jira Khilaaf aad uxoogan Oo Madaxda Puntland ka dhex jira,Shalay ayuu madaxweyne Gaas la kulmay gudigii Xalinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Wakiilada uu soo magacaabay Maalintii Isniinta aheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here