DHAGEYSO:Dhalinyarada Muqdisho oo caasimada kafuray xafiis muhiimad weyn uleh shacabka Gobolka

Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa si iskood ah magaalada Muqdisho uga sameeyey Bangi lagu keydiyo dhiigga.

Maalin walba waxaa xaruntan taga dhallinyaro badan oo dhiigooda ugu deeqa dadka Soomaaliyeed kale ee u baahan.

Waxa ay sheegeen dhallinyaradan in maadaama dalka aanu lahayn meel dhiig lagu keydiyo ay go’aansadeen in shaqadaasi ay dadkooda u qabtaan.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in si bilaash ah ku shaqeeyaan, islamarkaana dadka dhiigga u baahan ay si bilaash ah ku siiyaan iyaga oo aan wax shuruud ah ku xirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here