DHAGEYSO:Madaxweynaha Somaliland” Waxa Diyaar u Nahay Wada Hadaladii Somalia & Somaliland

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sheegay hadalkaan xilli uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga Yurub u qaabilsan dalalka.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa ay diirada ku saareen arrimo dhawr ah oo salka ku haya xoojinta Dimuqraaddiyadda Somaliland ka hana qaadday, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, isbedelada siyaasadeed ee geeska Afrika, iyo arrimo kale.

Gaba-gebadii kulankooda ayaa waxaa ay kusoo hadal qaadeen wada hadaladii hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, sidii loo soo celin lahaa oo uu madaxweynuhu u sheegay xubnaha waftiga in ay Somaliland mar walba ka go’antahay inay hirgalaan wadahadallada.

Hayeeshee uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi in ay mar walba wax ka socon la’yihiin dhinaca Soomaaliya  oo marnaba diyaar u ahayn in la furo wada hadalada labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here