Dil Argagax leh oo goor dhow kadhacay qeybo katirsan Muqdisho gaar ahaan Suuq weynaha….

Koox hubeysan ayaa waxay maqribnimadii dil ka geysteen Degmada Howlwadaag Ee Magaalada Muqdisho iyadoo dilka faah faahin kasoo baxayo.

Dilkaan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Agagaarka Sarta Isbooriga ama Hoteel Waaheen Suuqa Bakaaraha.

Dableey Bistoolado Watay ayaa waxay toogasho ugeysteen wiil dhalinyaro ahaa,waxaana la sheegay in ay ka baxsadeen gacan ku dhiiglayaasha dilka kadib halkaasi.

Da’ ahaan qofka la dilay ayaa udhaxeeyey 20 ilaa 25 sano jir,lamana oga cida dilkiisa ka dambeysay iyo waxa uu ahaa.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dadka ay ka kala carareen meesha ay wax ka dhaceen,dhaawac ahaan ayey kooxda Hubeysneyd kaga tageen wiilka ay toogteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here