Gaas Oo Lagu Edeyay Inuu Ka Danbeyay Qorshihii Tukaraq ay Somaliland Kula Wareegtay (DHAGEYSO)

Musharax madaxweyne Siciid Deni oo kamid ah musharaxiinta Puntland ayaa eedaymo u jeediyey xukuumadda talada haysa ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isagoona khudbaddiisii dhammaan ka dhigayn eedaynta xukuumadda Gaas.

Deni ayaa sheegay in madaxweyne Gaas uu horay u sheegay in Laascaanood aan faataxo lagu qabsan haseyeeshee uu hadda isagu Tukaraq Innaa Cadaynaa ku bixiyey sida uu hadalka u dhigay maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here