KASHIFAAD: Axmed Madoobe Oo Ka Hor Yimid Qorshe Gen,Indho Qarshe Dhabarka Kaga Tooganayo

Sida ay Xog ku Heshay BAdweyn waxaa khilaaf uu ka dhex qarxay Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo Maamul Gobolleedka Jubbaland.

Waxay Arintaan ka dambeysay kulan shalay ka dhacay Kismaayo oo Saraakiisha AMISOM la yeesheen Madaxweyne Axmed Madoobe qodobo qaar la hordhigayna uu ka hor yimid.

Dadka ka dhawaa kulankaas ayaa si hoose inoogu xaqiijiyey in la qorsheeyey ciidamada Kenya Ee Dekada iyo garoonka Kismaayo laga wareejiyo kadibna lagu badelo Ciidamo Katirsan Meliteriga Soomaaliya.

Dawlada Dhexe ayaa dooneysa inay Jubbaland kala fur furto awoodeeda,taas oo la rabo in Axmed Islaam Madoobe uusan doorashada dhici doonta uusan kusoo laaban.

Xubnaha Saraakiisha AMISOM ee Axmed La shiray waxay sidoo kale kala hadleen duulaanka lagu xoreenayo goobaha Al Shabaab weli ka joogaan Gobollada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa raba inuu ka hortego Siriqda uu Maleegay Madaxweyne Farmaajo iyadoo loo soo marayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe).

Ciidamada Xoogga ayaa waxaa la sheegay inay hadda wadaan isku diyaarinta deegaanada Gedo,Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe kaga saari lahaayeen Al Shabaab.

Abaan duulaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta oo khamiis ah kuwajahan Baardheere Oo Gedo Katirsan Ciidamadana halkaas kula kulmi doona iyo saraakiisha kusugan.

Axmed Madoobe ayaa sheeda kala socda Dhaq dhaqaaqa taliska Xoogga ay ku doonayaan inay Jubbaland ka bilaabana duulaan Shabaab lagu xoreenayo iyo qidada la rabo in Siyaasada Maamulkiisa lagu rido.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here