XASAASI: Maxaa ka jira in Rag ka tirsan Alshabaab ay Hagayeen Weerarkii Mareykanka ee Awdheegle?

Dadka ay xireen Shabaab ayaa isugu jira kuwa iyaga ka tirsan oo ay uga shakiyeen inay wax ka maleegeen weerarkaasi & qaar ka mid ah dadka deegaanka oo saameeyay hawlgalkii shalay galab ciidamada loo yaqaan Xisbada Shabaab ay ka sameeyeen deegaanka Awdheegle.

Qof ku sugan deegaanka Awdheegle oo sababo ammaan u qariyay magaciisa, diidayna in aan Wareysano, waxa uu sheegay Shabaab inay xireen illaa 10 ruux oo qaarkood iyaga ka tirsan, qaarna ay yihiin dadka deegaanka.

Dadka la xiray qaarkood ayaa waxaa loo qaaday deegaanka Mubaarak oo Awdheegle daris la’ah si halkaasi loogu soo baaro, maadaama lagu tuhmay wax ka ogaanshaha weerarkii habeen hore Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida ay ka fuliyeen deegaanka Awdheegle.

Xoogaga Shabaab ayaa inta badan Magaalooyinka ay joogaan marka ay ka dhacaan weerarada noocaan oo kale ah waxa ay sameeyaan hawlgal baaris ah oo ku dabagalaan shaqsiyaad iyaga ka tirsan oo ay uga shakiyaan inay wax ka maleegeen hawlgalada noocaasi oo kale ah.

Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida ee fadhigooda uu yahay deegaanka Balidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa fuliya weerarada Magaalooyinka Shabaab ay joogaan loogu daato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here