Amar Uu Bixiyey Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta La Bilaabay In La Dhaqan Geliyo & Wararkii Udambeeyey

Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) Ayaa dhawaan waxa uu tegay Magaalada Marka Caasimada Gobolka Sh/Hoose.

Waxyaabaha aadka Madaxweynaha Cabashada uu dhageystay waxa ku jirtay Isbaarooyinka Waddooyinka lasoo dhigto.

Ciidamada Meliteriga Soomaaliya ayaa saaka qaaday Howlgal Sifeyn isbaarooyinka ah laga bilaabay Deegaanada Dhaca Gobolka Sh/Hoose.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jenaraal, Odowaa Yuusuf Raage iyo Saraakil kale ayaa waxay ku guuleysteen inay kala ceeriyaan maleeshiyaad isbaaro dhigtay oo dadka dhibaato ugeysanayey.

Shan ka mid ah waxaa la qabtay Hubkii ay wateena ciidamada Xoogga dalka ayaa la wareegay sida Warbixinada la helay lagu ogaaday.

Marar badan ayaa isbaarooleey waxay dhibaato Dhac iyo Dad la laayey ah ka geysteen deegaano katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here