Arrimaha ku gedaaman xeerka bangiga dhexe ee Soomaaliya ee la baddelay

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa manata meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Axmed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal oo shir guddoominayay kala fadhiga baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana xeerkan oggolaaday 158-Xildhibaan , halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maamulka Bangiga Dhexe.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Dadka qaar ayaa aaminsan in qodobka wax ka bedelka lagu smaeeyay uu dhigaya in xilalka sare ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya ay qaban karaan cid kasta oo ugu dhibca saraysa dadka doonaya inay xilal ka qabtaan bangiga dhexe, iyadoo aan la eegeyn Jinsiyaddiisa.

Waxaa maalmahan aad la isula dhexmarayaa in guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya loo wado in loo magacaabo nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Britain, hasayeeshee qaar kamid ah xildhibaan golaha shacabka oo uu kamid yahay Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka lagu ansixiyaya xeerkan ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay khiyaano qaran oo dastuurkii lagu ”tuntay”.

”Ninka Ajnabiga ah ee Bankiga dhexe loo dhiibayo Xukuumadda waxaan ka rabnaa Kitaabkii ay ku dhaarin lahayd,” ayuu yiri xildhibaan Zakariye.

Arrintasi ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay dadka badan oo qaar ay aaminsan yihiin in aysan jirin baahi loo qabo in qof ajnabi ah loo magacaabo xilkaasi.

Maxamed Mukhtaar waa agaasimaha mac-hadka cilmi baarista siyaasadda ee SIPAM, waxa uu BBC-da u sheegay in aysan jirin wax baahi ah oo keeni karta in qof ajnabi ah loo magacaabo Bangiga Dhexe, sharcigana uu yahay mid cad oo dhigaya in cid aan Soomaali ahayn loo magacaabi karigan xilkan.

“Bangiga hadda ma qabto shaqooyinkii loogu talogalay, lacag ma daaboco, sarifka ma jaangooyo, sicir waxbo kama oga, kaliya waa bangi kayd oo dowladda ay lacago dhigato, marka maba jirto baahi sidaas usii weyn oo qof ajnabi ah loo soo magacaabo” ayuu yiri Maxamed Muktaar.

Sidoo kale Dr Maxaamuud Maxamed Culusow oo ah dhaqaalo yahan horay usoo noqday guddoomiyaha bangiga dhexe ayaa mar ay BBC-du wax ka weydiisay waxa ku jaban haddii loo bahdo in loo yeerto qof khibrad leh ayaa waxaa uu sheegay in la soo maray xilli ka xun maanta.

” Soomaaliya waxay xor noqotay 1960, xiligaasi oo qof walba uu ogaa heerka ay mareesay aqoon iyo khibrad Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa bangigaga madax ka ahaa qof Soomaaliyeed, marka aqoonta meelo badan oo lala kaashado waa dhic kartaa laakiin hogaaminta iyo dhaqanka waxay lamid tahay adigoo yirahda madaxweyne ajnabi ayaan u baahanahay”. Ayuu yiri Culusow.

Inkastoo dowladda Soomaaliya aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin qofka noqonaya guddoomiyaha bangiga dhexe ayaa hadana dadka qaar waxaa ay aaminsan yihiin in sababta lo badelay xeerka ay tahay sidii qof ajnabi ah loogu magacaabi lahaa guddoomiyaha bangiga dhexe.

Xigasho BBC Somalia