Daawo Zakariye: Xukuumaadda waxaan ka rabnaa kitaabkii lagu dhaarin lahaa ajnabiga Bankiga Dhexe

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, ayaa si weyn uga soo horjeestay xeerka agaasinka Bankiga Dhexe oo baarlamaanka uu meel-mariyey.

Zakariye ayaa sheegay in ayada oo la heli karo boqolaal Soomaali ah oo aqoon leh, oo xilkan qaban kara, ay tahay wax aan la aqbali karin tahay in qof ajnabi ah xilka loo dhiibo.

Waxa uu sidoo kale su’aal ka keenay in sida loo dhaarin doono guddoomiyaha cusub bankiga dhexe, ee ajnabiga ah, maadaama uu yahay qof aan muslim ahayn sida muuqata.

“Waxaan ka rabaa dowladda inoo noo sheegto kitaabkii lagu dhaarin lahaa ninka ajnabiga ahee aan muslimka ahayn ee ay noo soo waddo, ileen waa in la dhaariyaa si uu xilkan u qabtee, kumana dhaaran karo qur’aanka” ayuu yiri.

Zakariye ayaa sheegay in arrinta maanta dhacday ay tahay wax aan la aqbali karin, loona baahan yahay in shacabka diidaan.

1 COMMENT

  1. ZAKARIYA XAAJI MAXAMUUD WALEE TAADA AAD KA HADASHAY EE NINKA AJAANIBKA AH IN LA DHAARIYO

    LOOMA BAAHNA KUWA AAD AQOONTA KUTILMAAMEEYSID EE MUSLIMKA SHEEGANAAYO ASAGOO KITAABKA_

    _KU DHAARTAY AYAA HADANE TUUG TUUG DHALAY AH; IMISA MUSLIM AH OO KUTAABKA QURAANKA KU DHAARTO AYAA HADANE KITAABKA KU XAARO MARKII RUNTA ISKU SHEEGNO; AJAANIBKA WAXAA LOOGA DHIIBAAYO WAXAA U SABAB AH; QABIIL GAAR U YAQAAN MAJIRO; KUWA SOOMAALIDA AAD MUSLIM KU TILMAAMEEYSID;QABIILKIISA iyo ASAGAA WAX ISLA DHACAAYO SIDAAS AYAA LOOGA DHIIBAA AJAANIB-

    oo QABIIL iyo SHEEYDAAMO KU XIRNEEN;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here