DHAGEYSO: C/raxmaan C/shakuur Warsame Oo Maanta Sir La Qarinayey Banaanka Keenay Oo Villa Soomaaliya Ka Jirtay

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame Oo ka mid ah Mucaaradka Dhaliila Dawlada Federaalka Hanaankeeda Siyaasadeed ayaa soo bandhigay Arin sir ah oo la qarinayey.

Munaasabadii Xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud Hogaamiyo Maanta Qabsadeen ayuu C/raxmaan ka hadlay soona bandhigay Arimo Xasaasi Ah.

Waxa uu Sheegay Siyaasigani inay caqabad ku tahay inay tegi waayeena muujiyey Madaxtooyada Soomaaliya oo ay Dhex deggan yihiin Gudiga Doorashooyinka Madaxa banaan Ee Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur Warsame waxa uu sheegay inay codsanayaan in Gudigaas ay kasoo guuraan Villa Soomaaliya oo ay Dhex dhexaad ka noqdaan Doorashada dhici doonta ayna iyagu Xisbiyo hadii ay yihiin ay Xaq u leeyihiin inay wada shaqeeyaan.

2 COMMENTS

  1. waa la fahmay ,ina cabdishakuur ,wuxuu rabaa in gudida doorasha meesha amnigeeda la hubo laga soo saaro ,si loo laayo ,loona yiraahdo shabaab baa laayey ,arintaas waa iska caddahay,ina cabdishakuur boqlaal ay isku qoys yihiin baa shabaab ah amarna in badan ka joogtaa,caawa wuu isqarin waayey-noo soo saara ,ama aan dilna ama cabsi ha isu wada casileene

  2. ninkaani ma xishoodo ,umana eka nin caqli badan ,wax kasta wuu ka hadlaa ,anigu runtii waan rumeys nahay sida Ahmadey sheegay ,inuu doonayo inuu laayo gudida doorashada ,muxuu mar walba wax aan loo joogin uga hadla ,micne badan oo sioyaasadeed kama muuqdaan hadaladiisa waa iska cey iyo afxumo ,qabyaalad iyo aarsi aan micne laheyn ,ha lagaa sheego-tuugi hassan shiikhna waan arkayey isagoo agfadhiya -war isku yaxyaxa oo ummadda meel ka fariista -waad liidataane-dadkiina xitaa sumcad xumo baad u soo jiideene -siyaasiga hawiye baa saan ah iyo wax kale ma yaqaanaan oo aan xin aheyn baa meel walba soomaaliduy ka leedahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here