DHAGEYSO: Gudoomiye Mursal Oo Dhaqaalihii Ugu Badnaa Ku Qaatay Meel Marinta Xeerka Bankiga Dhexe

Meel marinta Wax kabadelka Xeerka Bankiga Dhexe iyo Cida Hogaamineysa oo buuq badan ka dhashay hadana waxaa la leeyahay lacago badan ayey Xukuumada ku bixisey in la ansixiyo Xeerkaan.

Waxaa lasoo sheegayaa in Dhaqaale ay Dawlada siisey Gudoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka si ay ufududeeyaan Meel marinta Xeerkaasi.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa hore waxaa uu dagaal siyaasadeed la galay R/wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ma jirin heshiis weyn oo la shaaciyey oo Gudoomiye Mursal iyo Madaxda ugu sareysa Dalka dhexmaray,balse dhaqaalaha lasiiyey Saacado ka hor Maxamed Mursal Xukuumada ayaa bixisey,waana mida keentay inuu ka ogoleysiiyo Xildhibaanada Badankood Ansixinta Xeerkii Maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here