DHAGEYSO: Murashaxiinta Puntland Oo Muujiyey Sida Ay U Shirqooli Rabaan Berri Madaxweyne Gaas

Murashaxiinta Utaagan Qabashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa maanta Waxqabadkooda Ka hor jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Intooda badan waxay ka simanaayeen Khudbadahooda inay Hormar iyo Baraare uhorseedi doonaan hadii Kursiga ay ku guuleystaan,ayna Codsadeen in Codka Xildhibaanada lagu taageero.

General Asad Cusmaan Cabdullaahi Oo murashaxiinta ka mid ah waxa uu ku faanay hadii la doorto in uu sameyn doono wada shaqeyn dhaw dhinaca Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Cali Cabdi Awaare waxa uu ballan qaad usameeyey fursadaha ugu badan Shaqada inuu siin doono Dhalinyarada Dalka wax ku bartay uuna Amniga ka shaqeyn doono.

Murashax Cali Xaaji Warsame ayaa waxa uu sheegay dhankiisa in Dhibaatooyinka Puntland uu ka saari doono hadii uu Madaxweynenimada Puntland ku guuleysto.

Dhanka kale Murashax Siciid Cabdullaahi Dani waxa uu ku halqabsaday Bad baadinta garsoor xumida Heysata Puntland hadii Xilka uu helo wax badana ka qaban doono sida uu hadalka udhigay.

Berri oo Talaado ah waxaa lagu wadaa inay Doorasho ka dhacdo Magaalada Garowe,waxaana loo baratami doonaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland,warar aan helnay waxay sheegayaan in saacadaha soo socda ama Doorashada bilowgeeda ay murashaxiinta Qaar ka tanaasulaan inay tartanka galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here