DHAGEYSO; Yariisoow Oo Heshiis La Galay Qaramada Midoobeey & Ceebtii Thabit Oo Banaanka La Keenay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisoow) Ayaa waxa uu maanta Heshiis la saxiixday Wafdi ka socday Qaramada Midoobeey.

Heshiiskani waxaa uu yahay mid Xamar Lagu Dhisayo Waddooyinkeeda Qaar,islamarkaana mashaariic hormarineed lagu fulinayo.

Gudoomiye Yariisoow ayaa sheegay in si gaar ah loo dhisi doono Waddooyinka Jid cadayaasha ah,taas oo la tilmaamay in Qabyadii gudoomiyihii Hore G/Banaadir thabit Cabdi La dhameystiri doono.

Hay’adaan Qaramada Midoobeey Uqaabilsan Howlaha Guud Ayaana la sheegay in Heshiiskani ay ku qaadaneyso Lacag badan,balse lagu dhisayo Waddooyin Bur bursan Oo Ku yaalla Muqdisho.

Duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisoow Ayaa sheegay in 7 Degmo Ay Heli doonaan Dhismaha Waddooyinkani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here