DHAGEYSO:Mucaaradka Dawlada Oo Hubkooda & Awoodooda Iskugu Geeyey Inay Kheyre & farmaajo Ay…

Kulankii Shalay Ka dhacay Muqdisho Ee Siyaasiyiinta Mucaaradka Yeesheen ayaa bog kale Oo Siyaasadeed furay,islamarkaana ay dadka qaar ku tilmaameen mid culeys lagu gelinayo Hanaanka Siyaasadeed Ee Dalka.

Xisbiga Midowga Nabada iyo Hormarka waxaa hogaamiye ka ah Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhoolatus ay u aheyd Awoodooda Siyaasadeed.

Erayo umuuqday mid lagu dhaleeceenayey Madaxda Dawlada Hadda jirta ayey soo bandhigeen Xubnihii kulankaasi xaadiray.

Balse waxay iyagu sheegeen inay Hogo tusaaleyn u tahay Soo gudbinta Dhaliisha Dawlada Federaalka Madaxdeeda ayna doonayaan in la saxo wixii khaldamay.

Xildhibaan Sharafeedka Golaha Shacabka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay Caqabadaha lagala kulmay dawlada Hadda Dalka Ka jirta.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Ka codsaday Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan in ay kasoo guuraan Xarunta Madaxtooyada si ay iyagu wada shaqeyn udhexmarto maadaama ay yihiin Xisbiyadii Dalka ka jiray.

Qawaamuurta Siyaasadeed Ee Kulankaas ka qeyb galay waxay isku dhaarsadeen inay Dalka Bad baadadiisa ka shaqeeyaan iyadoo loo marayo Wadiiqada ugu muhiimsan.

Sikastaba Dhaleeceynta Dawlada Madaxdeeda loo jeediyo waxa ay qeyb ka tahay kuwo muddooyinkii dambe soo badanayeen,xilli Madaxda Qaranka qudhooda ay Jawaab celin Ka bixiyeen Eeda Mucaaradka uga timaada.

Gun iyo Geba gabada waxay tahay Mucaaradka Dawlada Miisaankooda Awoodeed Meey Dalka ku Dhisaan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here