DHAGEYSO:Xildhibaan Geesey: Dowlada Farmaajo dastuurka waa diiday diina waa diiday”

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa dowladda dhexe ee ku eedeeyay in ay Mas’uul ka tahay dhibaatadii ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Waxa ay sheegeen in doorashadii ka dhacday Baydhabo ay aheyd mid hareersan Sharciga, islamarkaana la diiday rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay diiday in ay kala hadasho dhibaatadii Ciidanka  Itoobiya ay ka geysateen Magaalada Baydhabo, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo markii ay wadatashiyo la yeeshaan Shacabka Koonfur Galbeed.

Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo ka mid ahaa Xildhibaanada tagay Baydhabo ayaa xusay in dowladda Farmaajo dastuurka dalka ay baalmartay, xataa aysan diin ahaan u fiirin xuquuqda Shacabka Baydhabo lagu xasuuqay.