Gabar caan ka ah Kenya oo Majaajilo u adeegsata soo celinta sharafta Soomaalida

Nasro Yussuf Axmed oo ah gabar majaajileyste ah oo ku dhalatay dalka Kenya ayaa  sheegtay in howlaha majaajilada ay ku biirtay sannadkii 2018-kii.

Nasro ayaa tan iyo xiligaasi qeyb ka aheyd barnamij caan ka ah dalka Kenya oo dhanka majaajilada heer sare ka gaaray, kaasi oo lagu magacaabo Churchil Show.

Inkastoo aan dumarka looga baran dhanka madadaalada ayaa hadana Nasro waxaa ay sheegtay inay muddo ku hamin jiraty inay noqoto majaajaliste.

”Shaqadan ma ahan mid sahlan, balse ilaa iyo yaraantaydii waan jeclaa in aan majaajaliste noqdo, laakin marna ba uma heysan in aan dad badan hor istaagi doono oo aan waliba ka qoslin doono” ayay tiri Nasro.

Hase ahaatee arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in Nasro ay xirfaddeeda majaajilada uga faa;iideysato iney soo celiso sharafta Soomaalinimada.

”Dadka Kenyaanka waxaa ka dhaadhacsan in Soomaalida ay argagaxiso yihiin, marka waxaan isku dayaa in aan fikirkaasi ka baabi’iyo oo aan u sheego wanaaga dadka Soomaalida, arrintaasi oo ay aad ugu farxaan”, ayey tiri.

Mar BBC-da ay wax ka weydiisay caqabadaha ay kala kulanto shaqadan ayaa waxa ay sheegtay inay takoor kala kulantay dadka qaar, waxaana ay intaas raacisay in taasi aysan wax saamaeyn ah ku yeelanin.

Sheekooyinka kale ee ay Nasro dadka uga qosliso ayaa ah kuwa iyada ay alliftay, waxaana ay sheegtay in inta badan ay ku saleyso qisooyin iyada shaksi ahaan ugu dhacay iyo sheekooyin kale oo ku saabsan Soomaalida.