Independent oo qoray in UK ay joojisay safar Muqdisho uu ku tagi lahaa wasiirkeeda difaaca iyo sababta

Wargeyska The independent ee kasoo baxa London ayaa qoray in xiisad siyaasadeed oo xooggan ay ka dhex oogan tahay dowladaha Soomaaliya iyo UK.

Wargeyska ayaa sheegay in go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom uu sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho.

Wargeyska waxa uu sheegay in Williamson uu la kulmi lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, hase yeeshee UK ay baajisay safarkaas ayada oo u muujineysa Muqdisho, sida aysan ugu qanacsaneyn go’aanka lagu cayriyey Haysom.

Williamson ayaa taas beddelkeeda booqday magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

1 COMMENT

  1. Hargeysii ma wadan kale ayey noqotey,? hadalkaasi waa daan daasi culus. haddii aan talaaba laga qaadin, walee tu kale ayaa soo socota Kacaankii marbuu ingiriiska Xiriirka u jarey. edeb daradaas wey yaqaanaan. laakiin waa in tu la mida la tusaa. hadii kale kkkkKkkkkkhhhhhhammmNnn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here