Mahad Salaad oo Farmaajo weydiiyey lix su’aal oo la xiriira safarka Sheekh Kenyaawi ee Muqdisho

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu mUqdisho keenay Sheekh Keenyaawi, balse waxa uu madaxweyne weydiiyey lix su’aal.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad.

Duqa, Diin jacayl miyuu Sheekh Kenyaawi u keenay mise dano siyaasadeed ayaa wadaadka soo galay?!

  1. Mar hadii duqiyow labadii sano ee la soo dhaafay muxaadaro loo qabto iska dhaafe maalin gelinkeed aadan arag Culimada magaalada kula jooga ee culuumta diinta akhrisa sida:

– Sheekh Axmed Iimaan, Sheekh Nuur Cali Jaamac, Sheekh Yuusuf Tuurxume Jimcaale, Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey, Sheekh Axmed Sheekh Xasan Qudhubi, Dr. Ibraahim Dasuuqi, Sheekh Cabdulahi Cusmaan Macalin (Minhaaj), Sheekh Maxamed Aw Cabdulle Cariif iyo Sheekh Maxamed Cabdisalaan (Guud).

  1. Mar hadii duqiyow kuwii aad mowlacyada kasoo saarteen meel aadnan ku sheegin ee hoteelada Xamar ay ku xiranyihiin sida:

– Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baarud Gurxan iyo Sheekh Cali Wajiis.

  1. Mar hadii duqiyow labadii sano ee la soo dhaafay masaajidka gurigaaga kasoo horjeeda aadan soo gelin labo Jimce iyo labo jeer oo aad janaaso u tagtay kaliya mooyee!
  2. Mar hadii duqiyow muwaadin Soomaaliyeed oo halgamaa ah Abdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) aad shisheeye u dhiibtay. Urur Soomaaliyeed oo gobonimo udirir ahna Argagixiso waaye aad tiri adigoo Tigree ku raali gelinaya!
  3. Mar hadii duqiyow Shacab Soomaaliyeed oo masaakiin ah guryahooda iyo beerahoodana dhex jooga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose GAAL Maraykan ah inta ku dalbatay aad xasuuqday kadibna aad tiri Shabaab ayay ahaayeen adigoo Maraykan ku raali gelinaya!
  4. Mar hadii duqiyow habeen saqda dhaxe dad guryahooda jiifa aad u dhacdeen, hadana inta xasuuqdeen kabaha ku aasteen iyadoo ehel iyo asxaabta midna aan la tusin maydkooda!

In maanta wadaad inta noo keento aad nooga sheekeyso hala iscafiyo inta caruur 15 – 20 jiro ah oo degmooyinka Gobolka Banaadir laga soo daabulay isku keento aniga waxay ila tahay ADUUN iyo AAKHIRO SEEG ee Ilaahey inta baqdid umadda cafis weydiiso. Ilaaheyna usoo noqo.

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad

2 COMMENTS

  1. Tuug daalim ah ba tahay Ina saladow o waliba qabyaladista ah xaqa marku dilacay miya qeylo dhan bilowday dameerkiyow war mawaxa ilowday ina ahed canugii Gabre mise waxad ilowday madaxweynihii daba dhilifka aha ee usujuuday baqtigii kenyanka aha inu madaxweyne ku aha ma waxa ilowday in wadankada kowad aha itoobiya o farta kugu yeeri jirtay ma waxa ilowday inu kuladhashay ninkii bada iyo bariga somaliya gatay mawaxa ilowday inu walalka yahay ninkii yiri itoobiya iyo somali wa hal dal o hal basabor ban usameyndona ..waxa maqli jiray ilowsha dhawa ma umulbaaa ….Codsi wabsate Badweyn waxan idinka codsanaya fadlan dameeradan markay hadlayan waxba hakasoqorina mise adinka ayaba qabyalada jecel o garab bad utihiin

  2. MOHAMED SOO MAALI WAA RUNTIISA
    CULUMADA JOOGTO MUQDISHOO WAA KUWA ADIGA GAAR KUU AH HADAAD RUN SHEEGTAHAY BEERAHA _

    MASAAKIINTA JAREER WEEYN LEH WAA KUWII AAD KASOO RARTAY CAADAAD iyo MEELO LA MID AH EE –

    DANO GAAR AH AYAAD ISTICMAASHAA; EE CULUMADA MUQDISHO MEEQA GOOR AYAA LAGU WEERARAY_

    HOTELADDA DADKA U SABA AHNA WAA ADIGA IYO QABIILKAAGI ; EE WAR ILAAH KA BAQ; SHACABKA–

    CAFIS WEEYDIISO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here