SAWIRRO:Nabadoon caanka ah Soomaalida oo goor dhow qarax Oga bad baaday magaalada Muqdisho

Gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo uu ahaa waxyaabaha qarxa oo loogu xiray Gaarigiisa.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari uu watay nabadoon lagu magacaabo Muxidiin Bagaase, wuxuuna Gaarigu ku qarxay agagaarka Isbitaalka Digfeer, iyadoo uu ka badbaaday qaraxa, marka laga reebo dhaawacyo fudud.

Gaariga qarxay ayaa ahaa nooca yaryar ee raaxada, waxaana gaaray qasaare kooban oo dhinaca hore ah, iyadoo qaraxa kadib ay halkaasi gaareen ciidamada amniga magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here