Aabe nolosha isku gubay hal arin oo gabadhiisa ku saabsan(arin murugo badan)

Wakaalladda Wararka dalka Lubnaan ee NNA ayaa soo weriyey inuu Ninkaasi shalay isku gubay Dugsi ay dhigan jirtey Gabadhiisa oo ku yaalla Xaafadda Bekeftin ee Waqooyiga dalkaasi.

Warbaahinta Gudaha ee dalkaasi waxay sheegeen in Ninkaasi uu qaatay go’aankaasi, kadib, markii uu awoodi kari waayey inuu gabadhiisa ka bixiyo Lacagta ay ku hdigan jirtey Dugsiga.

Marxuumkaasi oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay in loola cararay Isbitaalka, halkaasi oo uu ugu geeriyooday dhaawacyaddii dabka uu isku gubay.