Booliqabeenka Soomaali-yeed: Maxaad ka taqaan?

Sanadkii 1989kii ayuu Siciid Cismaan Keenadiid, oo hadda dhowr sano mootan, maqaal ku soo qoray Codka Macallinka, wargeys xilliyeed Wasaaradda Waxbarashadu soo saari jirtay. Cinwaanka maqaalku wuxuu ahaa: Hadduu jiri lahaa geel dadweyne. Qoruhu wuxuu la yaabay sida aysan Soomaalidu uga dhiidhiyaynin lunsashada hantida dadweynaha oo ay dowladdu u xilsaaran tahay ilaalinteeda. Haddii uu jiri lahaa geel xero ku jira oo ay dowladdu maamusho way adkaan lahayd in la lunsado geela; waa la iskaga daba iman lahaa. Qof uun baa dhihi lahaa “ Yaa maali jiray, geela soo dhiciya!” Dareenka in tolku wada leeyahay xoolaha marka miyiga la joogo muu noqon mid loo rogay dareen qaran si loo ilaashado hantida dadweynaha.

Dhammaadkii siddeetamaadkii Toyota Cressida XL ayay madaxdii dalka iyo qoysaskoodu ku daateen. Waqti dheer may ku qaadanin Soomaalida inay gaariga u bixiyaan Xoolo La Xaday (XL). Boobka hantida dadweynahu wuxuu abuuray isbeddel-doon waayo sarrayn la’aanta sharciga ayaa suurtogalisay in si ba’an loogu tartamo helista hanti booli ah.

Xilka qofku hayo wuxuu dad badan la ahaa fursad lagu boobo canshuurta laga soo ururiyay shacabka ama hantida guurtada ( tusaale Gadiidka Dowladda) ama hantida ma-guurtada ah ee dalka. Xaafad ka mid ah degmada Wadajir waxaa si aan rasmi ahayn loogu bixiyay Booli Qaran. Guryaha ugu qurux-badnaa Muqdisho ayay madax badani Booli Qaran ka dhisteeen. Xisaabi xil ma leh waxaa beddeshay Xilku muu laha isla xisaabtan.

Soddon sano kaddib maxaa isbeddelay? Burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991kii kaddib lunsashada hantida dadweynuhu waxay ka mid noqotay dhibaatooyinka siyaasadeed oo dadku uusan ka hadlin. Waxaa soo baxay kooxo ku adeegta xilalka ay hayaan. Kooxahani waxay heleen awood siyaasadeed ka maran isla xisaabtan. Badankood marka ay ka dagaan xilalka waxay noqdaan booliqabeen: dad haysta hanti ay qalin ku boobeen ama qalin loogu boobay iyaga. Muu jiro hantidhowr karti u leh dabagalka booliqabeenka. Qofkii ku dhiirran lahaa inuu siyaasadda soo galo si uu u dhiirrigeliyo isla xisaabtan wuxuu dib u liqaa candhuuftiisa dhaqan siyaasadeedka musuqmaasuqa ku salaysan oo noqday lama-taabtaan awgiis.

Booliqabeenku wuxuu ku guuleystay inuu ka hadalka siyaasadda Soomaalida dhexdeeda ku soo koobo fadhi-ku-dirir; wuxuu leeyahay dhibbaneyaal isaga u dooda haybta beeleed oo ay wadaagaan awgeed.

Awoodda booliqabeenku waxay aad uga muuqataa sida Soomaalida badankeen uga quusteen inay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed heer kasta kala xisaabtamaaan maamul wanaag. Qof rumeysan in helista fursado nololeed ay ku xiran tahay u dhowaanshaha booliqabeen marnaba muu u qareemi karo isla xisaabtan.

Waxaa la is lahaa ku hungowga awood siyaasadeed oo meel dhexe lagu soo ururiyay waxay horseedi doontaa samaynta ismaamullo lagaga daydo la dagaallanka lunsashada hantida dadweynaha, daadejinta maamulka, dhowrista kheyraadka badda iyo berriga. Ilaa hadda waxay u muuqataa in booliqabeenku ka awood-badan yahay kelitalis waayo Soomaalidu may ku baraarugin awoodda qoysaska siyaasadeed oo qaba inay dhiisha saboolnimada tuureen kaddib markii ay dhaceen ama si sharci-darro ah ku heleen hantida dadweynaha. Xubnaha qoysaskani way kala dhaxlaan boolida oo isa sii tarmiyaan si faca xiga uu siyaasadda dib ugu soo noqdo si uu lunsashada hantida halkaas uga sii miiso.

Labaatan sano ka hor booliqabeenku wuu tiro-yaraa waayo Soomaalidu waxay ka soo kabanaysay burburkii dowladdii dhexe oo dalka oo dhan aan wax badan tari jirin kagase tagtay garasho gurracan oo ah in bixinta adeegyada sida korontada iyo biyaha tahay shaqada dowladda. Booliqabeenku kaalin kuma laha koboca dhaqaale oo saameeyay gobollada Soomaalida kaddib 1991kii. Kaalintiisu waxay soo ifbaxday markii maamullada madaxabanaan la sameeyay kuwaas oo fursad u helay inay canshuur qaadaan, deeqo helaan ama shirkado shisheeye ah siiyaan shatiyo kalluumaysi. Waa seddex ilood oo ka mid aha ilaha boolida booliqabeenku haysto ka soo jeeddo. Boolida uu jeebka ku gurtay qaarkeed wuxuu guryo kaga dhistay Soomaaliya ama dalalka deriska la ah ama dalalka Galbeedka oo ay Soomaalidu ka heshay magangelyo qaxootinimo. Lacagtii loogu talagalay dhisidda rug caafimaad, dugsiyo, hirgelinta mashruucyo taabanaya nolosha reer guuraaga iyo waxbarashada asaasiga ah ayuu booliqabeenku afka iska mariyay.

Soomaalida dhexdeeda way yar tahay inaad aragto qof dhahaya “ qoyskaasi hanti buu leeyahay”. Waxaad inta badan maqli kartaa “ qoyskaasi booli buu haystaa”. Haddii aad u sii dhabbagasho waxaa kuu soo baxaysa in boolidu tahay lacagtii ama guryihii dowladdu maamulaysay oo qof qoyska ka mid ihi oo xil dowladeed mar hayay uu boobay.

Booliqabeennimadu may aha ifafaale aan qotodheerayn. Booliqabeenku wuxuu barxay hantida ganacsato badan oo hantidooda ku helay dadaal loona yiqiin maalqabeen. Ganacsato badan ayuu booliqabeenku ku qanciyay inuu saamiyo ku yeesho ganacsiyadooda. Ganacsadaha doonaya lacag uu ku sii kobciyo ganacsigiisa ama ku jira tartan adag waa suurtogal inuu bareeraha booliqabeenka u arko naasnuujin dadban.

Xiriirka dhexmara booliqabeenka iyo ganacsadaha wuxuu si xun u saameeyaa dhaqaalaha degmada ama gobolka. Dadka lacagta aan dowladda laga lunsanin ku ganacsada iyo kuwa gancsigoodu ku salaysan yahay booli may u sinna fursadaha tartanka marka dowladi qandaraas bixinayso, tusaale ahaan. Taas waxaa ka sii daran dhaqanka booli-jeceylka oo dad badani u arki karaan waddada loo maro helista hanti degdeg ah kagana maarmaan inay nolol-maalmeedkooda u kasbadaan si hufan.

Booliqabeennadu waxay u dhasheen beelaha waaweyn oo ku abtirsada maamul goboleed. Waxay wax ka dheefaan awoodda siyaasadeed oo ku salaysan hayb beeleedka hase ahaatee xiriirradoodu waxay ku salaysan yihiin dano dhaqaale. Booliqabeenku wuxuu helista fursadaha ganacsi oo ka jirameesha uu awoodda ku leeyahay u fududeyn karaa booliqabeen ka soo jeeda gobol kale.

Booliqabeenku wuxuu maanta Soomaaliya ugu jiraa kaalintii dhulgoostadu ugu jireen Yurub Waayihii Dhexe. Way fududdahay in qof laga saaro guri uu boobay wayse adag tahay in lagu soo celiyo qasnadda ama lahaanshaha dowladda lacag ama guryo siyaasi uu boobay intuusan isu dhallan-rogin booliqabeen.

Sidee bay Soomaalidu dalkooda nabad ugu soo dabbaali karaan haddii siyaasigu ka soo horjeedo sarraynta sharciga iyo u sinnaanta fursadaha? Haddii ka hadalka iyo wax ka qorista siyaasadda Soomaalida lagu soo koobo haybta beeleed ee siyaasiga way adkaanaysaa in la arko saameynta booliqabeenku ku leeyahay nolosha Soomaalida. Siyaasiga u xusul-duubaya helista awood siyaasadeed wuu adeegsan karaa halkudhigyo dadka soo jiidan kara. Muu ka runsheegayo hankiisa siyaasadeed hadduu siyaasigu meel adag iska taagi waayo u adeegsiga siyaasadda in qalin lagu lunsado canshuurta lagu soo ururiyo iyo deeqaha lagu helo magaca Soomaalida

Dani uguma jirto booliqabeenka nabad ku wada noolaansho inay dib ugu soo noqoto Soomaaliya iyo in isla xisaabtanka siyaasadeed uu noqdo tiir ka mid ah tiirarka nolosha siyaasadda. Taas macnaheedu waa kooxaha ku suntan xagjirnimada diimeed oo keliya may aha xoogagga Soomaaliya ku sii haya xasilooni-darrada siyaasadeed. Soomaalidu waxay degdeg ugu baahan yihiin siyaasiyiin boolidiid ah.

W.Q. Liibaan Axmad
Wardheernews.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Badweyn Online.