DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo Haloo Daaro Codkiisaan Maanta Oo Kale Jeediyey “Afka & Dhegaha Aan Ismaqlin”

Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo kale 5-tii Febraayer 2017 Labo Sano ka hor jeediyey Khudbadii uu waxqabadkiisa kusoo bandhigay kaas uu ka jeediyey Baarlamaanka Hortiisa.

Seddex Cisho ka hor guushiisii ayey Aheyd waxaa uu khudbad qaadatay kudhawaad 30 Daqiiqo xilligaas ku faah faahiyey Sooyaalkiisa Siyaasadeed hadii la doorto.

Waxyaabaha laga xasuusto Madaxweynaha Khudbadiisii Maalintaas waxaa ka mid ahaa,wax ka qabashada Xaaladaha Dalka ka jira oo Dhaqaale Xumida,Abaaraha iyo Amni darada ay ugu muhiimsanaayeen.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo ka hadlayey Waxqabadkiisa Doorashadiisii ka hor maanta oo kale waxyaabihii uu ballan qaaday waxaa ku jirtay inuusan Mooshinada Lacag lagu bixineyn,taas ayaana dadka na dhageysanaya xasuusineynaa labo sano ka hor Khudbadii Madaxweyne Farmaajo.

Mid ka mid ah Hadaladii Shacabka Soomaaliyeed Madaxweyne Farmaajo Ka sugayeen balse ay ka waayeen waxaa ka mid ah Ballan qaadkiisii ahaa inaan aysan jiri doonin hadii madaxweyne loo doorto jidad la xiro Magaalada Muqdisho.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu sheegay labo sano ka hor yoolkiisa siyaasadeed markii Baarlamaanka ka hor jeedinayey in Dhismayaasha ku duma Qaraxyada Al Shabaab ay fuliyaan ay dhisi doonaan,oo hadii qof soo sheega gaari ismiidaamin raba lacag lasiin doono.

Seddex Cisho kadib ayaa Farmaajo waxay ubuuxsameysaa Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya inuu fadhiyo Labo Sano isagoo helay Mucaaradyo kala duwan iyo muxaafidiin la dhacsan falsafadiisa siyaasadeed Ee hogaaminta Dalka.