DHAGEYSO: Maxaa Kala Socotaa Sida Ay Suuqa Madoow kenya & Soomaaliya Badeecadaha Loo Kala Gudbiyo?

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo kusugan Magaalada Gaarisa Ee Gobolka Wuqooyi Bari Kenya ayaa kulan uu la qaatay Bulshada Soomaaliyeed Ee Halkaasi deggan waxa uu ka dalbaday inay ka shaqeeyaan Adkeynta Amniga Maadaama Xuduuda Soomaaliya iyo kenya Dadka Deggan iyaga yihiin.

Wasiir Oomaar waxa uu amaanay doorka shariifka ah Ee Reer Gaarisa ku leeyihiin Hormarka Labada Waddan Ee Kenya iyo Soomaaliya isagoo ku nuux nuuxsaday inay sii laba jibaaraan howsha adag ay Hayaan.

Qaar ka mid ah Dadkii uu la kulmay Wasiir Oomaar Ee Gaarisa deggan waxay ka cawdeen Dawlada Kenya oo ay Canshuur ka qaado misana ay si sharci daro ah Suuqyada Loogu xaraasho Alaab si suuq madoow lagu soo geliyey ay cabasho ka yihiin.

Wasiir Oomaar oo Reer Gaarisa ahaan jiray waxa uu ballan qaaday in uu mar kasta ku dedaali doono inuu udoodo xaqa ka maqan Bulshada Deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here