DHAGEYSO: Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan Shirka Shidaalka ee Muranka badan dhaliyay

Shir lagu suuq geynayo shidaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada London ee Caasimadda UK.

Shirkaan waxaa la soo bandhigi doonaa xirmooyin 50 (blocks) oo ah goobaha shidaalka ceegaaga ee Soomaaliya, kaasoo ah dhul ku teedsan 173,000 KM.

Qorsha lagu suuqgeynaayo  ayaa socon doona ilaa 11 July 2019-ka sidda ay sheegtay Shirkadda wadda qorshahaan.

Shirkaan ayaa waxaa abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.