DHAGEYSO:Shabaab duulaan ka soo laabtay oo loo dhigay cashir aan hore usoo marin laguna laayay…

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Duqeyn Xalay ka dhacday Buundada Araare Ee Gobolka Jubbada Hoose,taas oo ku aadaneyd weerar lagu Ekeeyey Fariisin Al Shabaab Degganaayeen.

Duqeyntani waxaa la sheegay in lagu dilay Dagaalyahano Katirsan Al Shabaab,taas oo la leeyahay tirada ayaa is khilaafsan.

Sargaal katirsan Ciidamada Jubbaland oo lagu magacaabo Mukhtaar Maxamed Cabdi ayaa sheegya inay ku dileen dhowr dagaalyahan Oo shabaab Ahaa Duqeyntii Xalay Araare.

Waxa uu Sargaalkani sheegay in 9 Ka mid ah Meydadka Shabaabka La geeyey maanta Deegaanka Baar sanguuni,islamarkaana ay tirada inta la arkay uun ay tahay inkabadan 10 dhimasho ah.

Dhanka Al Shabaab weli wax war ah kama heyno oo ku aadan duqeyntaas dagaalyahanada looga laayey sida la sheegay Ee ka dhacday Buundada Araare.