Dowlad Asian Ah oo Mamnuucday In Madaxweynaheeda Heesaha Lagu Ammaano (Muuqaal)

Madaxa maamulka xafladaha Music-ga ee dalka Uzbekistan Odel Cabdow-kaakhaaroof, ayaa ugu baaqay fanaaniinta waddanka inaaney u qaadin madaxweyne Shavkat Mirziyoyev heeso iyo gabayo lagu ammaanayo.

Idaacadda Ozodilik ee maxalliga ah ayaa sheegtay in Cabdo-Kaakhaaroof oo ah madaxa waaxda xafladaha oo ay hoos tagaan dhammaan fannaaniinta Uzbekistan , ayaa ku eedeeyay fanaaniinta iney fankooda u adeegsadaan oo ay ku qurxistaan sawirka madaxweynaha Mordiyaayef.

Cabdo-Kaakhaaroof waxa uu yiri:  ” Madaxweynuh xitaa waxa uu sheegay inaanuu u baahneyn ammaanta. markaa saxafiyiinta qaar ayaa waxey gacmahooda wasakhda leh ku qorayaan qoraallo ay kaga hadlayaan in xukuumaddu ay ka dambeyso in fanaaniintu ay ammaan huwiyaan madaxweynaha, maxaan uga baahan tahay arrimaha noocaas oo kale ah.”

Madaxa maamulka xafladaha, ayaa waxa uu aaminsan yahay in madaxweynuhu aanuu u baahneyn in la xayaysiiyo, taa bedelkeedana ay habboon tahay in laga qeybqaato hagaajinta dowaladda ee madaxweynahu uu hormuudka ka yahay.

Waaxda maamulka xafladaha ee dalka Uzbekistan ayaa lagu aasaasay digreeto madaxweyne Febaury 15, 2017, markaa wax yar kadib, 4 fanaan ayaa lagala noqday ruqsaddii shaqo maadama ay kasoo qeybgali waayeen kulan lagaga hadlayay barbaaritan iyo jihaynta dhalinyarada dalkaasi.

Sidaas oo kale, fanaaniinta waxaa laga mamnuucay iney faafiyaan muuqaallo ka soo horjeeda qiyamka, dhaqanka waddanka iyo bani’aadamnimada.

Xigasho:goobjoog