Geed dhul Soomaaliyeed ka baxa oon dunida inteeda kala lagu arag

Cilmi Baareyaal ayaa ogaaday in Dacar Cas oo laga helo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqda madaxbannaanida ee Somaliland ay tahay mid aan lagu arag dunida inteeda kale, sida uu BBC-da u sheegay Axmed Ibraahim Cawaale oo madax ka ah xarun ka shaqaysa daryeelka iyo badbaadinta dhirta oo layiraahdo Candle Light.

“Dacartan ayaa noqonaysa middii 36 ee dhulka Soomaalida laga helo, inta la ogyahay” ayuu intaas ku daray Axmed.”

Maadaama oo aynan dacartu ku cusbayn dadka Soomaalida ah sidee lagu ogaaday in ay tahay nooc gooni ah ayay BBC-du waydiisay Axmed.

Cilmi baareyaasha ayaa sheegay in ay iskood baaritaan u sameeyeen ka dibna la kaashadeen xarun caalami ah oo lagu aruuriyo dhirta adduunka oo dhan.

Siday ku billaabatay in dacarta baaritaan lagu sameeyo?

Axmed oo safar ah ayay soo jiidatay qaabka ay u samaysan tahay dacarta sannadkii 2014.

“Waxaa markiiba isoo jiitay in ay tahay dacar si baahsan u fidda oo isku qabsata, dhinac ilaa 40 mitir ayay gaarraysay, dhinaca kalana 12 mitir”.

Markii uu u kuurgalay waxaa ku dhalatay in uusan halkaa ka hadhin, sannadkii xigay ee 2015 ayuuna billaabay cilmibaarasta Dacarta Cas.

Dacarta Cas

“Dacartu waxay ku kala duwan tahay ubaxa iyo qaabka ay u samaysan yihiin, qodxaha yaryar ee dacarta intay isu jiraan, waxyaabahaas iyo baaritaanno kale ayaa lagu kala saaraa” ayuu yiri Axmed oo BBC-da la hadlay.

Xigasho bbc Somali