Shirkadda SPECTRUM ha ixtiraamto cabashada ay qabaan dadka Soomaalida

Cidna kama baryeyno; Nabad,  SHaraf, iyo waxaan leennahay!

Ingiriis mase Norway iyo Kenya mase  Itoobiya (oo Eritrea ku jirto)  iyo Midowga Immaaradaha Carabta iyo Sacuudiga?! Bannaan bixii  shirkii shidaalka ee London looga soo hor jeeday  wuxuu ahaa farriin iyo baaq ku wajahan dalalkaas inoo soo bareeray, mid u soo bareeray kheyraadka dalka, mid u soo bareeray dakadaha dalka, iyo mid u soo bareeray  bad iyo berriba, waxaan si dhawaq dheer ah ugu sheegaynaa dalalka Soomaaliyeed dal maanta la helay ma aha!…Waan turunturoonay laakiin awalba horay baan u soconay!… 30 sano oo dil dhac, iyo isku dir ah baan soo marnay maalin kastana dad aanan annaga keensan hoggaanka laynoogu dhiibayay, laakiin waxaa muuqata in dad-weynihii Soomaaliyeed ay maanta iyagoo mid ah ka bannaan baxeen Shirkii Goodaaddada ee London ee looga hadlayay shidaalka Soomaaliyeed.

Waxaa yaab lahaa sida Dan-Wadaagtii shirkaas isugu timid ay isaga dhego tirtay dadkii Soomaaliyeed ee bannaan baxa cabashada ah ee ay ku diidanaayeen shirkaas iyo arrimaha looga hadlay ka hor dhigay hotel-kuu shirka ka socday, iyagoo waliba si cannaad ku ku jiro tooda keliya ka raacanaya oo dhegaha ka furaysanay guud ahaan diidmadii shacabka Soomaaliyeed iyo golaha Aqalka-Sare, taasoo markaas macanaheedu noqonayo duulaan bareer ah oo aan geed loogu soo gabban oo lagu soo qaaday dalka! Hasa yeeshee waxaan shaki ku jirin shacabka Soomaaliyeed uusan sidaas ku aamusayn, indhahana ka fiirsanayn shirqoollada iyo xad-gudubyada ay wadaan dalalka dhaxlay siyaasadihii iyo fikradihii guumeystayaasha, waxay iyagana sidaas oo kale awoowayaashood ka dhaxleen fikradihii iyo siyaasadiihii guumeysi diidnimmada!… 

Anigu codkayga mid buu ka yahay codka muwaadhaniinta alka iyagaana ku raacay!… 

Maxamed-Farmaajo hadalkii uu jeediyay ee ku sheegayay in shacabka Soomaaliyeed baahanyahay, oo caafimaad la’aan yahay, oo wax-barasho la’aan yahay una baahanyahay in kheyraadka dalka looga faa’ideeyo yaa diidan?!…Marka hore kheyraadka dalka dadka Soomaaliyeed baa iska leh, taas macnaheeda waxaa weeye habka iyo nidaamka iyo sharciyadda iyo xeerarka kheyraadka dalka looga faa’idaysanayo waxay noqonayaan hadba hannaanka siyaasadeed ee wakiillada ummada u jeexaan isticmaalka, qaybsiga iyo dhoofintiisa, waliba marka wakiillada siyaasaddaas jeexaan wali dad-weynuhu xaq bay u leeyihin haddii ay diidayaan in tooda la raaco! Marka Farmaajo iyo KHeyre, waxaa looga baahanyahay inay si miyir ku jiro  oo aan faraha foodooda lagu taagsanayn ay ugu hoggaansamaan dhwaqa dadka iyaga wax u dhiibtay…

Sanadihii 1991-1992kii, markii uu nidaamka xizbiyada badan ka bilowday dalka Kenya ayaa waxaa si adag ugu hor yimid madax-weynihii hore ee dalkaas Daniel Toroitich Arap Moi, isagoo ku cilladayniya in haddii xizbiyo badan dalka laga oggolaado ay taas qabyaaladda kor u qaadayso, oo dadku kala qaybsami doono, colaadana ay ka dhalanayaan…Macquul!…Wax kasta oo uu sabab ka dhigay dadka wax garanaya waxay u arkayeen inay yihiin macquul ama run ahaantii  inay yihiin wax dhici kara oo waliba in badan oo ka mid ah shacabka waa ay la qabeen fikirkaas, laakiin  markuu arkay in mujtamaca intiisii badnayd ay taagerayaan siyaasadda ah in dalku yeesho xizbiyo badan ayuu maalinkii dambe si aan la filayn ku dhawaaqay inuu oggolaaday in dalka laga dhaqan geliyo nidaamka axzaabta badan!…

Maalmo ka dib markii uu oggolaaday nidaamka xizbiyada badan baa Arap Moiwaxaa la weydiyay  “Xizbiyada badan inaad oggolaato ma waxaa kugu qasbay cabsi aad ka qabto reer galbeedka?”  laga yaabo run ahaantii in cabsi uu reer galbeedka ka qabay u oggolaaday, laga yaabo inuu dagaal sokeeye iyo colaado dalkiisa uga baqay, laga yaabo inuu lafihisa u baqay…laga yaabo..laga yaabo…laakiin waxaa cajiib ahaa inuusan intaas midna dhihin oo sabab intaas oo dhan ka qiimo badan kana fudud ku jawaabay ”…Dad-Weynihii dalkaa nidaamka xizbiyada badan doortay anna iyagaan ka mid ah waxaana ku shaqayniyaa waxay dooniyaan!”.

Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu rabaa in khayraadka dalka laga faa’idaysto, waxaana jirtay in xukuumadihii ka horeeyay midda KHeyre iyo maamul-goboleeddada ay bilaabeen gacantana ku hayeen samaynta iyo dejinta xeerarkii iyo nidaamkii siyaasadeed ee kheyraadka dalka, haddii ay tahay sidii loo qaybsan lahaa iyo haddii ay tahay suuq geyntiisa iyo sida looga faa’idaysanayo, waxaana wax kasta ay ka hor mariyeen in la sameeyo qaynuun dhamays tiran oo noqda sharciga kheyraadka dalka! Waxaana si cad oo aan shisheeye iyo qof gaar ah aan wax laga weydiin u muuqday Xuquuqda Lahaanshaha Kkeyraadka Dalka inay dadka Soomaaliyeed leeyihiin…

Waxaa madmadow badan uu ku gaadamanyahay macanaha hadalkii uu madax-weynaha jeediyay isagoo  malaha rabay inuu shirkii shidaalka Soomaaliyeed ee London sabab sharci ah u raadinaya, waxayna oraahdiisa ku qotontay oo keliya laba qodob oo kala ah in dadka Soomaaliyeed ay gaajaysanyihiin oo ay rabaan kheyraadka in loo soo saaro isagoo aan ku darayn wax sharci looga dhigayo ama lagu sugayo qaynuun ahaan bed-qabka kheyraadka la soo ban-dhigayo ama la suuq geynayo, iyo qodobka labaad oo ahaa siyaasiin xanaaqsan oo iska qaylinaya, taasoo run ahaantii aysan shacabka ka sugayn madax-weynaha inuu ku soo daro sababaha uu qiilka ugu raadinayay in shirkii shidaalka Soomaaliya lagu iib geeyay ee London aysan ku jirin KHayaan Qaranka laga galay isla markaasna macna ah u samaynayn shacabkii walaacsanaa oo maalin kasta muddo soddon sano ku dhowaad ah arkayay mas’uuliyiin xilkii siyaasadeed ay ummadda ugu adeegayeen u isticmaalayay  inay dulaal ugu noqdaan dalal shisheeye ama shirkado Qalaad!

Dad-Weynuhu wacyi gelin badanbay u baahanyihiin madaxdii taladii dadka waa diiday!

Golahii shacabka iyo golihii xukuumadda waxay isku noqdeen hal gole, miyeysan kula ahayn?!…tani waa mid ka mid ah sababah ugu waaweyn ee hor joogsaday in dalku yeesho nidaam siyaasadeed oo shaqayniya oo mas’uul kasta uu yaqaan shaqadiisa iyo inuu qaynuunka hoos joogo oo uu xakamayniyo shaqada uu qabanayo. Waxaa intaas dheer in xudduudihii dalka ay cid kasta isaga balaqanyihiin, meel kasta oo ciidda Soomaaliyeed ka mid ahna ay ajaanib si xornimo buuxda ah isaga kala gooshayso gobollada dalka iyagoo waliba ruksad la’aan meel kasta oo ay tagaan iska baaranaya, siiba dalalka deriska ah.

Waxaa talo ahaan la gudboon dhallin yarada, ganacsatada, culummada, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada in qof kasta uu ka shaqeeyo siduu isugu xiri lahaa deegaankiisa iyo midka deriska la ah, siduu u heshiisiin lahaa haddii uu khilaaf ka dhexeeyo deegaankiisa iyo midka deriska la ah, siduu uga dhaadhicin inay yihiin dad keliya oo isku mid ah, iyo in ilmaha yar-yar iskuullada iyo xataa dugsiyada quraanka lagu baro Soomaalinimmada iyo jacaylka dalkooda! markaas ayuu hadalka siyaasiga,culummada, aqoonyahanka, ganacsadaha, macno u samayniyaa dad-weynaha! Waxaana loo baahanyahay qaybahaas bulshada siiba odayaasha dhaqanka inay isu talaabaan oo isa soo booqdaan oo xudduudaha cabsida iyo shakiga ku dhisan ee aysan indhuhu qabanayn inta ka tallaaban soo nooleeyan kalsoonidii dadka ka dhexeysay.

Sida muuqata Spectrum wali waxay ku adkaysanaysaa qorshaheedii, waxayna dhegaha ka furaysatay iyadoo danteedii guracanayd wali ku socota si aan ka duwanayn DP-dii Midowga Immaaradaha Carabta, sidaas daraadeed dad-weynaha Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay talo qorshe la yimaadaan!…waa qorshe laysla ogyahay, waa mid aan ka duwanayn midka lagu xalaalaystay kaluunkeenii, waa midka lagu xalaaleystay dhulkeenii iyo xudduudihiisii, waa mid ay gabbaad u yihii shaatiyada Qarmada Midoobay iyo Midowga Afrika, nimankii aan aaminayna ay door bideen hantideenii inay dulaal ka noqdaan!…DHallin-Yaradii dhaxalka dalka lahayday maxaa idinla gudboon?!…

Siyaasi markuu arko siyaasi shisheeye ah arko hilmaamay qabkii, iyo sharaftii dadka iyo dalka ee uu huwanaa oo madaxa laalaadinayaa, oo damac uu ka galayo inuu shaxaado ama ku fekeray inuu dalkiisa dulaal uga noqdo…Yaan sugaynaa?!  Dalalka aan kor ku soo xusay sharci, xeer, iyo qaynuun midna innagu ixtiraami waaye, xataa qaarkood ilamaha Soomaaliyeed ee ku dhashay xuquuq dhalasho iska dhaafee xataa wax-barasho looma oggola, kuwa qaarkood dadkii Soomaaliyeed ee magan gelyada u galay bay ilmahoodii xoog uga qaataan!…SHarafteenna, Difaaca Diinteenna iyo Dalkeena waa waajib kana horeeya kana qiima badan nolosheenna!…

W/Q: Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Badweyn Online.