XOG: Kheyre iyo Beesha Abgaal oo isku dhagan iyo Khilaaf ka taagan Isku shaandheynta Wasiirada

Xog gaara ayaa sheegeysa in Odayaasha Beesha Abgaal ay doonayaan in xilal muhiim ah laga siiyo isku shaandheynta golaha wasiirada ee dhawaan la sameynayo.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada tashiyadi ugu dambeeyay la leh Beelaha Soomaaliyeed si uusan muran uga imaan habka awood qeybsiga Golaha Wasiiradda.

Kheyre ayaa cadaadis kala kulmaya beelo dhowr ah oo aan ku qanacsaneyn habka uu wax u qorsheynayo, iyagoo qaarkood ay ku hanjabeen inay wada shaqeynta kala laaban doonaan Dowlada hadii xaqooda la duudsiiyo sida uu inoo sheegay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Beesha Abgaal ayaa dooneysa inay hesho Wasaaradda Arrimaha Gudaha maadaama tan iyo markii la dhisay Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan helin xil wasiir oo ay ku qanacsan yihiin.

Sidoo kale Beesha Abgaal waxay dooneysaa inaysan farahooda ka bixin wasaaraddaha ay hada gacanta ku hayaan gaar ahaan Wasaaradda Amniga.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laga yaabaa inuu xilka ka qaado Wasiirka Amniga XFS balse waxay u badan in loo wareejin doono Wasiir islow Wasaaradda Ganacsiga maadaama wasiirka Maareeya oo hada Wasaaradaasi ka arimiya lagu wado in la geeyo Wasaaradda Warfaafinta.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulamo kala duwan la yeelanaya beelaha kala duwan ee xilalka la isku shaandheynayo ay quseyso, waxaana wax dhib badan ah in dhamaantood la qanciyo.