Akhriso: Shil Gaari Oo Qasaaro kala Duwan Gaystaa Kadhacay Duleedka Magaalada Gallkacyo….

Wararka Ka,imaanaya  Gobalka Mudug ayaa sheegaya in maanta shil gaaro oo qasaaro  kaladuwan gaystay uu ka dhacay duleedka Magaalada gaalkacyo.

Shilka  gaari ayaa la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxeysa Galinsoor iyo Gaalkacyo, waxaana la sheegay inuu khasaaro ka dhashay shilkaasi.

Gaariga rogmaday ayaa waxaa saarnaa  Inkabadan Toban qof,  waxaa uuna gaarigu ku rogmaday deegaanka Sedex-higlo ee gobalka Mudug, waxaana la sheegay in ay ku sii jeedeen Magaalada Gaalkacyo, sida uu soo sheegayo Dadka Deegaanka .

Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku dhawaacmay  oo dhamaantoodi ahaa Dadkii saarnaa Dhaawacooda Ayaa Looqaaday Magaalada Glakacyo Ee xarunta gobalka mudug.