Dhagayso: Gudoomiyaha Gobalka Bari Ee Putland Oo Sheegay Inuu Dhibsaday Magaca Boosaaso..

Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa

Waxa uu sheegay in marka la eego magaalooyinka kale Puntland ay ka muuqdaan lahaansho la xiriirta u turid iyo ka shaqeyn amni balse Boosaaso aanay ka muuqan cid lahaanshaha awgeed uga shaqeeya horumarkeeda iyo sugidda amnigeeda.

Sidoo kale Gudoomiye Dhedo ayaa sheegay in uu necbaystay magaca Boosaaso xili marar badan uu xumaaday amnigeeda taasoo uu sheegay in ay ku badatay weydiimo la xiriirta xaalada guud ee magaalada Boosaaso.

Si kastaba hadalka gudoomiyaha gobolka Bari ayaa dad badani siyaabo kal duwan u fasirteen iyadoo hadalkanna uu kusoo beegmayo xili falal amni darro ay ka dhacayeen maalmihii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso.

   Hoos Kadhagayso Warkaan