Dhagayso: Jeesow Oo Weerar Afkaa Kuqaaday Axmed Madoobe sheegayna In Uu Ahaa Aa,saasa Yaashii Al-shabaab…

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu horeyn sheegay in shacabka Kismaayo ay ku jiraan Adoonsi, maadaama dadka lahaa talada deegaanada Jubbaland ay dhibaato kala kulmaan maamulkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Kheyre ayuu sheegay inuu la kulmay dad gaar ah oo loo soo xulay, maadaama sida uu sheegay addoonsi la geliyay dadkii lahaa talada maamulka Jubbaland.

Daahir Amiin Jeesow wuxuu sidoo kale sheegay in shacabkaasi ay doonayaan inay arkaan ra’iisul wasaarahooda balse laga hor taagan yahay, isaga oo ugu baaqay Kheyre inuu sameeyo talaabo kasta oo dadkaasi uu kula kulmi karo.

“Dadka Reer Kismaayo adoonsi ayay ku jiraan, dadkii loo baahnaa Ra’iisul Wasaaraha lama kulmin dad gaar ah ayaa loo soo xulay, marka ra’iisul wasaaraha dhibka meesha ka jira wa uu ogyahay, waxaana laga rabaa in isaga oo ka taxadaraya ammaankooda uu dadkaasi qaabilo lana kulmo” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Hoos ka dhageyso codka xildhibanka