Dhageyso: Golaha Aqalka sare oo Go’aamiyay Furitaanka kalfadhiga 5aad (SAWIRRO)

Guddiga joogta golaha aqalka sare BFS ayaa maanta yeeshay kulan uu Shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Aqalka sare Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi, waxaana ajandahu ahaa Katashiga Furitaanka kalfadhiga 5aad ee aqalka Sare, ka doodista iyo Ansixinta qorshe howleedka kalfadhiga 5aad ee golaha .

Hab-dhowraha golaha aqalka sare BFS Sen. cabdi kaafi macalin xasan oo Kulanku markuu soo gabogaboobay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in fadhiga looga dooday ajandaha horyaala oo ay ugu muhiim sanayd Furitaanka kalfadhiga 5aad, isaggoo hadalkiisa sii raaciyay in la Go’aamiyay furitaanka 16ka bishan oo ku beegan maalinimada Sabtida.

HALKAAN KA DHAGEYSO