DHAGEYSO: Madax Ka Socotay Dalalka Soomaaliya & Jabuuti Oo Maanta Tegay Xarunta Saafarada Muqdisho

Qaar ka mid ah Safiirada Soomaaliya Kusugan iyo Madax ka socota Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta gaareen Xarunta Safaarada Itoobiya Ee Magaalada Muqdisho.

Safaaradaasi ayaa waxay utageen Mas’uuliyiintani inay saxiixaan Buuga tacsida Murugtana Reer Itoobiya kala qeybsadaan Diyaaradii bur burtay Shalay Ee Ethiopian Airline.

Gudoomiye kuxigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Mas’uuliyiintani waxay Safiirka Itoobiya Ee Soomaaliya la wadaageen tacsida ay udirayaan Madaxda iyo Shacabka Itoobiya Shilkii Diyaaradeed Ee Dhacay.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya iyo Danjiraha Jabuuti Ee Ufadhiya Muqdisho Aadan Xasan Aadan ayaana saxiixay Buuga tacsida.

Safiirka Dawlada Itoobiya Ee Muqdisho Kusugan Kamaaludiin Mustafa ayaa saxaafada si kooban ula hadlay isagoo ka hadlay Mas’uuliyiintii maanta Tegay Xarunta Safaaradaasi.