DHAGEYSO: Sheekh Cali Wajiis Oo Ku Amaanay Qodob Hormar Lahaa Uu Marxuum Xoosh Soomaaliya Kusoo Kordhiyey

Bahda Culimada Soomaaliyeed oo door ku lahaa wax kabadelka Dastuurka Soomaaliya ayaa waxay ka hadleen geerida Marxuum Wasiir Xoosh Jibriil.

Sheekh Cali Wajiis ayaa waxa uu ka hadlay Duugta loo sameeyey maanta Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil isagoo ku aamaanay xilligiisii shaqada maadaama Shaqo culus uu soo qabtay.

Waxa uu Sheekh Cali Maxamuud Wajiis sheegay Marxuum Xoosh inuu wax badan kusoo kordhiyey Dastuurka Soomaaliya siiba Mid ka ku aadan Qodobada Islaamiga ah.