DHAGEYSO:RW Kheyre Oo Aaska Wasiir Xoosha ka Sheegay Fariintii Udambeysay Uu usoo diray Taas Oo Aheyd…

Waxaa Maanta Aas Loo Sameeyey Meydka Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil kaas oo labo cisho ka hor ku dhintay Magaalada Dubai.

Marxuumka meydkiisa ayaa Aas loogu sameeyey Muqdisho gaar ahaan Qabuuro ku yaalla Cusbitaalka Madiina iyadoo Meydka Janaazada lagula tukaday Qeyb ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya ayaana xaadiray Xabaasha Meydka C/raxmaan Xoosh kaas oo ugu dambeyn gurigiisii Dhabta ahaa maanta la geeyey.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis) ayaa waxa uu sheegay in wax badan ay kaga mahad naqayaan wasiir Xoosh intuu noolaa oo ay ku jirto Kudarista Qodobada Islaamiga ah Ee Dastuurka Dalka.

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu sheegay in Marxuumka intuu noolaa lagu yaqaanay La dagaalanka Musuq maasuqa,Fikirkiisa lama gamban jiray iyo Halyeynimadiisa uu wax badan lagu xasuusan doono.

Waxa uu Xanuunka Geerida la qeyb saday ehelka uu ka baxay Marxuumka isagoo urajeeyey in sharaftii uu soo hooyey wax badan lagu xasuusan doono.