Haweenay Nadaafadda Ka Shaqeysa oo Ku Guuleystay Boqoradda Quruxda Morocco (Muuqaal)

Qusuxdu kuma koobna dumarka muuqaalka ka quruxda badan, tartamada quruxda ee dunida ka dhacana muuqaalka oo qura lama tixgeliyo, ee laakiin waxaa jira arrimo ka mug weyn oo tartamayaasha lagu xusho, waxaa ka mid ah dhaqanka taariikh nololeeda tartamaha, aqoontiisa, iyo howlaha adeegyada bulsho iyo samafalka uu ka qeybta noqdo.

Dalka Maroco waxaa ka dhacay March 8, 2019 tartanka quruxda ee dumarka nadaafadda ka shaqeeya ee reer Maroco waxaa ku guuleystay “Xasnaa Fardows” oo  (22 jir), waa sida uu sheegay websiteka “al-cumq al Maqribi”, kadib markii ay ka adkaatay hoween fara badan oo ay taranka kula jirtay, halka Maymuuna Tarowre oo ka soo jeedda maaalada Bamako ee dalka Mali ay noqotay boqoradda Quruxda dumarka nadaafadda ka shaqeeya ee Qaaradda Afrika.

Xaflad ay soo qabanqaabisay wasaaradda deegaanka Moroco ayaa labadan haween ah lagu guddoon siiyay abaalmarinno kala duwan, xafladda waxaa ka soo qeybgalay fanaaniin fara badan iyo wariyeyaal Morocanr weliba safiirrada dowladaha Afrika u fadhiya Maroco.

Xigasho Goobjoog