Kenya Oo Sheegtay Inay Dileen Dagaalamayaal Katirsan Al-shabaab Kana Furteen Qalab….

Ciidamada Wadanka  Kenya ayaa sheegay inay dileen xubno katirsan dagaalamayaasha al-Shabaab halka Kuwa kalana  ay qabteen kadib dagaal Toos ah Oo ku dhaxmaray labada dhinac deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubadda Hoose.

Wasiirka Gaashaan dhiga Dalka Kenya ayaa war uu soo saaray ku sheegay in weerarkan ay qadeen ciidamada dalka Kenya ee qaybta ka,ah AMISSON isagoona intaasi sii raaciyay in al-Shabaab ay kasoo furteen labo qore oo nuuca AK 47’ka ah.

Afhayeenka ciidamada Kenya Paul Njuguna, ayaa dhankiisa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Ururka al-Shabaab ay sii wadi doonaan si loosugu amniga iyo nabadda dalka Kenya.

Afhayeenka ciidamada kenya waxa uu sidookale intaasi sii raaciyay in ciidamada dalka Kenya ay diyaar u yihiin in Amisom ay ka gacansiiyaan xasilooni kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

Horaantii bishii Janaayo ee aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii ciidaamada Kenya ay sheegeen in 7 katirsan dagaalamyaasha ay ku dileen halka tirakale oo aanan lashaacinna ku dhawaaceen hawlgalo ay kafuliyeen deegaanada Jubooyinka .