Aroosad Labaad oo Qastay Faraxadda Guurka Siixiibkeedii Hore (Muuqaal)

Aroos ayaa waxa uu is arkay isagoo dhex taagan xaalad aanuu marna suuraysan, xilli uu farxadda guurkiisa u dabbaadagayay ayaa waxaa lama filaan ku noqotay saaxiibtiisii hore oo soo gashay goobtii arooska iyadoo ku labisan toobka cad ee arooska.

Sida ay qortay jariidada Mirro, gabadhan ayaa goobtii uu aroosku ka dhacay soo gashay, kadib waxey bilowday iney jiidato saaxiibkeed iyadoo isku dayaysa iney dhankeeda u celiso.

Arooska iyo aroosadda bilowgii hore waxey isku dayeen iney iska indho tiraan waxey sameynayso, laakiin waxey ku adkeysatay iney is muujiso, waxaa la arkayay arooska oo isku dayaya inuu gacmaheeda iska furfuro.

Ilow wareedyo la helo ayaa sheegay in arooska iyo saaxiibtiisii hore ay kala tageen kadib markii ay is fahmi waayeen, maadama ay shaqsiyadoodu kala duwaneyd.

Arooska saaxiibtiisii hore waxaa la maqlayay iyadoo ku qeylinaysa tani waa khaladkeyga, waxeyna tilmaamaysay, sida hadalkeeda laga fahmayay in sababta ay ku kala tageen ay iyadu lahayd.

Goobtii uu aroosku ka dhacayay waxaa ku soo hartay saaxiibtii hore kadib markii ay ku fashilantay iney mar labaad soo ceshato saaxiibkeed arooska iyo aroosaddiina ay goobta uga dhaqaaqeen. lama oga iney ku guuleystay xeeladdii ay dooneysay iney arooska ku kala kiciso iyo in kale,