DHAGAYSO: Ciidamada Dowlada Somaliya Oo howlgalo Culus Kawada Muqdisho Kadib Markii Ay

ciidamda Amaanka Ayaa mudooyinkii dambe waday howlgalo kaladuwan, Howlgalkan oo ah mid lagu xaqiijinayay amniga ayaa xalay Ciidamada Booliska Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo xalay fiidkii hore gudaha u galay xaafadda Weekiyo ee degmaaasi ayaa waxa ay ku soo qab qabteen ku dhawaad 70 qof oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay Ciidamadu isugu geeyeen fagaaraha Iskuul Buluusiyo ee M/Muqdisho.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii lagu soo qabtay  howlgalkan ayey laamaha amnigu sii daayeen, halka kuwa kalena haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Dhalinyarada la sii daayay oo qaar kood la hadlay Badweyntimes ayaa ka warbixiyay sida uu u saameeyay howlgalkaasi.

Waxaana ay sheegeen in Ciidanka amnigu ay si wanaagsan ula dhaqmeen intii uu socday baaritaanka.

Muqdisho waxaa todobaayadii la soo dhaafay ka socday howlgallo ballaaran, kuwaas oo ay saraakiishu sheegeen in ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu sugayo amniga Caasimadda.

              HOOS KADHAGAYSO: