Daawo:Billionaire-ka Ugu Taajirsan Africa oo sameeyay ficil siweyn looga yaabay oo ah 10 milyan oo Dolar Kala Baxay…

Billioneirka reer Nayjeeriya ah oo la yiraahdo, Aliko Dangote, oo lagu tiriyo inuu yahay ninka ugu taajirsan Afrika, ayaa kashifay inuu accounkiisa bankiga kala baxay 10-milayn oo doolar, si uu u eego oo uu u daawado oo qura.

Dangote waxa uu galay kaalinta 23aad ee liiska shaqsiyaadka ugu taajirsan adduunka ee sanadkii 2014, waa sida uu qoray Forbes, waxaana lagu tiriyaa qiimaha hantida uu haysto 10.6-billion oo dolar.

Dangote waxa uu ka haldlay qiso ku aaddan xilligii uu billioneirka noqday, si uu u rumeysto lacagaha uu haysto ayuu bankiga lacag kala soo baxay: “Marka aad mashruuc abuurto, waxaad rajeynaysaa inaad hesho milyanka ugu horreeya, laakiin sanad kadib waxaan ogaaday inaan haysto hanti gaaraysaa 12 billion oo dolar.”

Ganacsadahan waxa uu hadalkeeda sii raacisay, “Waxaan moodayay in lacagtani ay tahay wax qalin ku xariiqan oo qura, si aan u tijaabiyo waxaan aaday bankiga waxaanan kala soo baxay 10 milyan oo dolar accounkeyga gaarka ah.”

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Lacagtii gurigeyga ayaan geeyay. waxaanan soo galiyay boorso gaarigeyga aan soo saartay, markii aan guriga keenay ayaan furay, markaas ayaan iri, haa, hadda ayaan rumeysan karaa in lacagtaasi ay tahay mid dhab ah aan xilli kasta aan la bixi karo.”

Ganacsadahan caanka ah waxa uu tilmaamay, in lacagtii uu bankiga dib ugu celiyay isla maalintii xigtay oo bankiga uu dib ugu shubay.