Dhageyso” Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab

Gudoomiye ku-xigeenka amniga gobolka Hiiraan C/raxiin Muxumud Taakooy oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkoodu uu u diyaar garoobay dagaal ka dhan ah Alshabaab isala markaana ay diyaar yihiin ciidankii xorayn lahaa deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan gobolka.

 

Waxaa u bogaadiin u jeediyay ciidamada waxana uu tilmaamay in nabadda ka jirta deegaanada muhiimka ah in looga mahadcelinayo ciidamada oo ku guulaystay in ay ka saaraan Alshabaab waxaana uu fariin u diray shacabka isaga oo ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada.

 

Dhinaca kalana gudoomiyaha ayaa shaaciyay in ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay samaynayaan ciidanaka xoogga dalka waxaana uu cadeyay in howlgalada ay kala simanyihiin dalka intiisa kale laakiin ay jiraan qorshayaal u gaar ah maamulka Gobolka Hiiraan.

 

Halkaan Ka Dhageyso Codka