DHAGEYSO” MW:Farmaajo oo 3dii sano ee ugu dambeysay xuska 12ka April ay kala qeybgaleen 3; Wasiir Gaashaandhig iyo 3 Taliye ciidan.

Xuska Sanadguurada 59aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa muddada saddexda sano ah ee uu xafiiska joogo waxaa uu 12ka April ku xusay 3; Wasiir Gaashaandhig iyo Saddex Taliye Ciidan oo kala duwan.

12 April 2017

Wasiirkii Gaashaandhiga C/rashiid C/llaahi Maxamed, Taliyihii Xoogga dalka Jen. Axmed Jimcaale Cirfiid

12 April 2018

Wasiirkii Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Taliyihii Xoogga dalka C/weli Jaamac Gorod.

12 April 2019

Wasiirka Gaashaandhiga Xasan Cali Maxamed, Taliyaha Xoogga dalka Jenaraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe. Inta badan adduunka Taliyayaasha Ciidamada sida sirdoonka iyo Milatariga waa kuwa ugu waqtiga dheer dhinaca muddada xil heynta,waxaana mararka qaar dhacda in Madaxweynayaasha la doorto aysan beddelin Taliyayaasha Sirdoonka iyo Milatariga ee xilalka haya.

 

Taas beddelkeeda Soomaaliya waxaa ay mareysaa in sanadkiiba Taliye cusub uu hoggaamiyo Milatariga Soomaaliya halka Hay’adda Nabad Sugidda aysan lahayn Taliye rasmi ah tan iyo 13kii October 2018, markaas oo uu iska casilay Xuseen Cismaan Xuseen.