Dhageyso” Natiijo la’aan ku dhamaaday Kulankii Gaadiidleyda BL-ka iyo Maamulka G/Banaadir+Sawirro

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Maanta waxa ay kulan lagu kala tagay la qaateen Darawalada kaxaysa Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya degmooyinka gobalkan Banaadir.

Kulanka uu Maamulka Gobalka banaadir la qaatay Darawalada ka xeeya gawaarida nuuca ay raacaan shacabka ee loo yaqan BL-Ka ayaa waxa uu yimid kadib markii ay dowladda xIrtay inta badan wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayna ku dhawaaqeen saakay Gaadiidleyda Shaqo joojin.

Mid ka mid ah Guddiga ka socda Gaadiidleyda ee  kulanka la qaatay Maamulka gobalka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in maamulka ay kala hadleen cabashadooda maadaama ay bixiyaan canshuurta,hayeeshee ay la’yihiin wadooyin ay ku Shaqeystaan.

Cismaan oo kamid ah  gadiidleydaas ayaa waxa uu sheegay in Maamulka gobalka iyo iyagu ku kala tageen kulankooda maadaama uu tilmaamay in maamulka gobalka uu sheegay in gadiidleyda laga doonayo in canshuurta ay bixiyaan waajibna ay kutahay wadooyinkana loo xiray sababo amni ayna sii xernaan donaan.