Dhageyso:MD Farmaajo iyo dhaqanka Mudulood oo shir caro kusoo dhamaaday wada qaatay iyo Farmaajo…

Wabar Socdaal Raage Wabar Cil-faaf oo kamid ah Duubabka Dhaqanka Beesha Mudulood kana mid ahaa xubno Maanta kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaadacay Go’aamadii ka soo baxay kulankaas.

Kulanka gaarka ah ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu isugu yeeray Duubabka Dhaqanka Beesha Mudulood iyo xubnaha Siyaasayada ku matala beeshaas,waxaana looga hadlay Xaalada siyaasada dalka ee haatan uu marayo gaar ahaa Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheega Wabar Socdaal Raage oo kulankaas Ujeedkii laga lahaa la marin habaabiyay,isla markaana uu isku bedelay taageero Madaxweyne,kadib markii uu isaga ku dhiiraday inuu ka dhawaajiyo dhibka Shacabka Muqdisho ay kala kulaan Ciidamada dowladda,isagoona Colaadin kala kulmay xubnihii ka qeyb galay kulankaas.