DHAGEYSO:Sargaal Aan Hore Saxaafada Loogu arkin Oo Sharxay Kulan Xasan Kheyre La Yeeshay…

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu kulan kula qaatay Magaalada Washington Madax Katirsan Hay’ada gar gaarka uqaabilsan Dawlada Mareykanka Ee USAID.

Waxa la sheegay in kulankaasi ahaa mid looga hadlayey sidii loo sii hormarin lahaa Wada shaqeynta iyo xiriirka ka dhaxeeya dawlada Soomaaliya & Hay’ada USAID.

Wasiirka Koobaad Ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu umahad celiyey madaxda uu la shiray ayna isku afgarteen in lasii laba jibaaro Caawinaada Dawlada Mareykanka Siiso Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya Dhinaca Gar gaarka.

Maxamed Cabdi Cusmaan oo ka mid ah Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Ku wehlinaya Magaalada Washington ayaa waxa uu ka hadlay Qorshaha ay iskula meel dhigeen Kulankii dhexmaray Madaxda Hay’ada USAID.